Monday, June 23, 2025

Yusuf Garaad : Gobdon, Allah ha u Naxariisto (Taariikh & Xusuus)

1971 qalabkaan ayaa wax lagu qori jiray. Waa xafiiskii aan ku lahaa Madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdi Xaaji Gobdon oo xalay ku geeriyooday Muqdisho, Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Macallin sannadihii kontomaadkii inta aanuu ku biirin Radio Muqdisho billowgii lixdanaadkii.

Cabdi Xaaji Gobdon wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta markii aan anigu ku biiray Radio Muqdisho horraantii siddeetanaadkii. Waxaan ka dib ka warhelay in uu dabayaaqadii kontonaadkii Macallin ka noqday Dugsiga Leegada, ka dibna Golweyn, inta aanuu horraantii lixdamaadkii ku biirin Radio Muqdisho. Horraantii lixdanaadkii iyo mar kale dabayaaqadii lixdaamaadkii wuxuu ka shaqeeyay Laanta Af Soomaaliga ee Radio Moscow.

Waxaan xusuustaa yaraanteydii aflaam Ruushku dhigi jiray oo af Soomaali ku codeysnaa in qaarkood codka ku duubani uu ahaa kan Cabdi Xaaji Gobdon.

Waan ogaa inta aanuu noqon Agaasime Guud in uu ahaa weriyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Warfaafinta ka dib waxaa uu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga.

Cabdi Xaaji Gobdon, Allah ha u naxariistee, wuxuu ahaa weriye cod hallaasi ah leh, aadna u af Soomaali wanaagsan. Markii aan ahaa arday soo koraya isaga iyo Yaasin Xaaji Ismaaciil Jirde waxay ka mid ahaayeen weriyayaal aan ka kororsado eryada af Soomaaliga ah gaar ahaan kuwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo militeriga.

Gobdon shakhsiyaddiisa waxaan bartay ka dib markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya. Waxaan u arkay in uu yahay nin Dowlad ku nool ah, dadkana aan iskala weyneyn siiba dhallinyarada.

Waxaa kale oo aan u arkay nin ku kalsoon mihnaddiisa, xoog furan, jecel in aqoonta laga dhaxlo oo uu u gudbiyo jiilka isaga ka da’da yar. Isaguna ma ahayn nin ay da’du ka hor istaagto aqoon kororsiga siiba xagga la qabsiga teknoolojiga cusub. Wuxuu adeegsan jiray talefoonka caaqilka ah iyo iPad wuxuuna qoraal iyo sawirro ku soo bandhigi jiray saxaafadda bulshada.

Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee laba ama ka badan kooxood ama dowladood ay ka dagaallamayeen Muqdisho.

Cabdi Xaaji Gobdoon wuxuu qoray buug ku saabsan aabbihiis iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.

Wuxuu la soo shaqeeyay Dowlad kasta oo dalka ka curatay xataa xilliga burburka marna wuxuu ahaa la Taliye ama Af hayeen Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare ama Wasaaradda Warfaafinta.

Howlihii ugu dambeeyay ee aan aniga iyo isagu ka wadaqeyb qaadannay waxay ahaayeen qaban qaabada xuska maalinta Afka Soomaaliga 2015, iyo talo ka bixinta howlaha ay tahay in la qabto si afka loo horumariyo iyo cidda ay tahay in ay qabato ka dib markii ay Madaxtooyadu na weydiisatay.

Cabdi wuxuu ugu weynaa dhowr walaalo ah oo Jaamiciyiin u badan oo ka shaqeeya Warfaafinta Qaranka, Radio iyo TV. Aabbahoodna sidoo kale wuxuu ka tirsanaa idaacadda oo uu wacdi diini ah ka soo jeedin jiray. Sidaa darteed wuxuu ka soo jeedaa qoys diineed, isaguna waxaa uu ahaa nin aan ku tilmaami karo suufi.

Saaka aroortii markii geeridiisa la ii sheegay, waxaan goostay in aan soo bandhigo sawirro dhowr ah oo aan ka soo guuriyay bartiisa Facebook, oo aan is leeyahay waxay ra’yi ka bixin karaan taariikhdiisa.

Sawirrada waxaa la socda fasiraadda uu qaarkood Gobdon ka bixiyay oo sidii uu isagu u qoray ah oo aan soo minguuriyay marka laga reebo saxitaan ama habayn aad u yar oo aan ku sameeyay. Cabdi Xaaji Gobdon marka taariikhdiisa laga hadlo, waxaa laga dheehan karaa taariikhda warbaahinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay.

Waa xaafiis aan ku lahaa Madaxtooyadda Soomaaliya, waana waqtigii
aan ahaa waryihii gaarka ah ee Madaxweeyne Maxamed Siyad Barre. Taariikhdu waa 1974.
 
Waa Madaxweyne Maxamed Siyad Barre iyo Gudoomiyihii Ururka Dhalinyarada
aduunka ee nabada jecel iyo aniga oo wakhtigaas ahaa waryaha gaarka ah ee Jaalle
Siyaad Barre. Taariikhdu waa 1975.
 
Waqtigaan waxaan wareeysi ka qaadaayay Madaxweyne Maxamed Siyad
Barre oo uu wehliyo xoghayihii guud ee Midoowga Afrika. Sawirkaan waxa uu ahaa 1976
goobtuna waa Addis Ababa.
 
 
Sawirkaan waa shirkii Madaxweeynayaasha Dowladaha Islaamka ee
lagu qabtay Xaramka. Taariikhdu waa 1978.
 
 
Waa xarunta VOA ee dalka USA. Waqtigaan waxaan ka codsanaayay
madaxda VOA in la sameeyo Laanta Af Soomaaliga ee VOA, aniga oo xiligaas ahaa
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Taariikhdu waa1983.


Waa WAR-SIDE (Journal) ka soo bixi jiray magaalda QUBRUS magaciisana la yiraahdo 
(الا ثنين ) ama AL ITHNENYN waxuuna iga wareysanayay asaaskii TVgii qaranka ee hawada galay 1983.

 
Waxaan Mar dhaw bulshada Soomaliyeed u soo gudbin doonaa Buug
aan ka qoray Aabbaheey Xaaji Maxamed Gobdon iyo qaar ka mid ah Culimada
Soomaaliyeed ee Aabbe ay saaxibbada dhaw ahaayeen sida: Sh. Macallin Nuur, Sh.
Mukhtaar Sh. Maxamed Cali Maye, Sh. Maxamed Cali Maye, Shiikh Cali Cusmaan Naalleeye
iyo Culimo kale oo bulshada Soomaaliyeed ku weyn. Bugga waxaa lagu magacaabaa Agoonkii
Cabsida Alle Dugsaday. Qormadiisii Labaad (Second Edition).
 
Waxaa sharaf inoo ah in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweyno
Madaxweynaha Dalka JABUUTI Walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Hiildoonka
Afka Hooyo iyo Xasilloonida Dalkeenna.
Gobdon waa kan bidix safka hore
Gobdon waxaa lagu tirayaa in uu aad ugu dhowaa Madaxweynaha.

 

Gobdon oo adeegsanaya iPad.
Gobdon oo cayaaraya Kubbadda Miiska
Lugabaxsi iyo neecowsi xeebta Liido

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON