Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha Somaliya oo ka qeybgeli doona aas loo sameynayo askartii Kenya ee lu laayay Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka mid yahay madax ka qeyb geli doonta Aaska qaran iyo maamuus loo sameynayo Arbaco beri  Askartii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii Al-shabaab bishan 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Wargeyska Daily Nation ayaa daabacay warkan isagoo sheegay in kasoo qeyb galka aaskaasi ee madaxweynaha Soomalaiya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya aan la xaqiijin balse ay soo gareen.  Waxaa la xaqiijiyay in madaxweynaha Nayjeetiya Mohamadu Buhari oo socdaal saddex maalmood ah ku jooga Kenya uu aaska kala qeybgeli Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Munaasbada maamuuska askarta Kenya lagu laayay Ceelcade Soomaaliya waxay ka dhici doonta Xerada Milliteriga ee Moi oo ku taalla duleedka  Eldoret ee Galbeedka Kenya.

Dhinaca kale, Idaacadda Capital FM ee ku taala magalada Nairobi ayaa shaacisay in Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Somalia iyo Nigeria la filayo inay maalinta Jimcaha ka duuli doonaan  magaalada Nairobi, iyagoo ku sii jeeda  Addis Ababa si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 26-aad ee Madaxda dowladaha Afrika oo furmi doona Sabtida ee soo socoto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON