Sunday, July 13, 2025

AKHRISO: Ciidamada Kenya ay ka baxay 7 saldhig oo ay ku lahaayen Jubbada Hoose & Gedo

Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM oo ka howgala Gobollada Gedo iyo Jubada Hoose ayaa bilaabay inay ka baxaan inta badan saldhigyada ay ku lahaayeen goboladaasi kadib weerarkii askarta badan looga dilay ciidamada Kenya ee bartamihii Bishan ka dhacay Ceelcade.

Saldhigyada ay ciidamada Kenya ka baxeen  ama ay isu diyaarinayan inay ka baxaan ayaa hadda gaaraya 7 saldhig oo ciidamoodu ku sugnaayeen, oo la xaqiijiyay inay ka baxeen:

  1. Ceelcade,
  2. Badhaadhe
  3. Khadiija Xaaji

Saldhigyada ay dhaqdhaqaaqyada ka wadaan ee la filayo inay ka baxaan waxay kala yihiin:

  1. Buulogudud
  2. Hoosingow
  3. Fafahdhun
  4. Taraaka

Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamada Kenya ay yihiin is habeyn dib loogu abaabulayo ciidamadooda oo ay jirin meel ay ka baxayaan, laakiin waxaa cad inuu jiro go’aan hoose oo dowladda Kenya ay ku gaartay in ciidameeda loo soo dhoweeyo xuduudka ay Soomaaliya la leedahay kadib qasaarihii weynaa ee kasoo gaaray weerarkii Ceelcade.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON