Xoghayaha Xisbiga Daljir Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid inuu rakaato ku heysto sharcigii xisbiyada oo uu dib ugala noqday guddi baarlamaan oo gacanta ku hayay.
Wuxuu ku eedeeyay Ra’iisal wasaaraha inuu muujiyay karti xumo iyo waxqabasho la’aan, wuxuuna sheegay in dalka mugdi la geliyay oo la sameeyay Madal aan la aqoon.
Haddii wax kas oo bixi waayaan dacwada ay u gudbiyeen maxkamadda sare ayuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kacdoon ah oo shacabka uu qaadi doono ayna horkici doonaan xisbiyada.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga
Goobjooge.com