Warbixin cusub ayaa shaacisay in Soomaaliya safka hore uga jirto dalalka ugu musuqmaasuq badan dunida iyadoo ay la wadaagto Kuuriyada Waqooyi oo ay ku xigto Afghanistan.
Hay’adda Transparency International oo ah hay’ad caalami ah oo sanad waliba cabirto heerka dalalka adduunka ee musuqu gaarsiisan yahay ayaa manata 27-ka Janaayo 2016 baahisay warbixinteeda sanadlaha ah, oo ay diyaariyeen khubaro ka kala socda adduunka oo cabiray heerka musuqmaasuqa ee qeybta dhaqaalaha ay dowladaha maamulaan.
Dalalka ayaa lagu cabiray dhibco u dhaxeeya 1 illaa 100, ayada oo dhibcaha yar ay la macno yihiin musuq maasuq badan.
Soomaaliya iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa warbixinta ay siisay 8 dhibic midkiiba, halka Afghanistan ay heshay 11, taasi oo macanaheedu yahay in Soomaaliya iyo Kuuriyada Woqooyi ay wadaagaan kaalinta koowaad ee dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka.
Ma jirin dal helay dhammaan boqolka dhibcood, waxaase 91 helay dalka Denmark, halka Finland iyo Sweden ay heleen 90, kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar. Dalka Mareykanka ayaa warbixinta ay siisay 76 dhibcood.
Hay’adda Transparency International, ayaa sheegtay in 6 bilyan oo qof oo ah badi dadka adduunka ay ku nool yihiin dalal musuq maasuq xooggan uu ka jiro.
Soomaaliya ayaa muddo sanado ah hogaamineysa rikoorka musuqa adduunka iyadoo sanadkan ay la wadaagto Waqooyiga Kuuriya, waxayna mar kale ku jirtaa kaalinta ugu danbeysa.
Goobjooge.com