Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hore culeys weyn ugu ahaa madaxweynaha talada haya ee C/weli Gaas ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magaalada Garowe isagoo sheegay taageeray go’aanka uu Madaxweyne Gaas ku diiday nidaamka 4.5 oo go’aan lagu gaaray in lagu soo xulo aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Faroole wuxuu si buuxa u taageeray go’aankii xukumadda Gaas ka qaatay nidaamka 4.5 iyo banaanbaxyada looga soo horjeedo ee ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland, wuxuuna ugu baaqay inay faraha kala baxaan waxyaabaha Soomaalida gaarka u ah ee ay kaga tashanayaan aayahooda isagoona sheegay in ergaygii ka horeeyay Nichalos Kay uu ka mid ahaa raggii saxiixay dastuurka KMG ah oo uu sheegay in la dhalan rogay.
Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore uga sheegay xafladii furitaanka garoonka Boosaaso in C/weli Gaas aanu Puntland u soo qaadi karin 4.5, waxaana muuqata in Faroole culeys weyn ku hayo maamulka Puntland una dhaqmayo madaxweyne xil haya oo kale.
Goobjooge.com