Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Kenya oo ka baxay Buulogaduud & Alshabaab oo la wareegay

Ciidamada Kenya ee ka mida AMISOM ka baxeay degaanka Buulo-Gaduud oo 30km dhinaca Waqooyiga uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose.

Dad goobjoogayaal ayaa in ciidamada Kenya iyo gaadiidkooda ay maanta ka ruuqaansadeen iyagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo. Waxay arrintani ka mid tahay dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada Kenya kadib weerarkii Ceelcade oo ay ciidamadooda ka saareen goobo fara badan.

 

Waxyar kadib maleeshiyada Alshabaab ayaa la wareegtay Buulogaduud, iyadoo halkaasi lagu arkayay baabuur ay wataan Alshabaab oo dadka degaanka isugu yeeray halkaasoo ay khudbad uga jeediyeen.

Inkastoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu sheegay inaysan ciidamadooda kala baxeynin Soomaaliya, waxaa haddana socda qorshe ciidamada Kenya dib loogu celinayo meel ammaan ah si aan weerar kale oo gaadmo ah loogu qaadin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON