Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsna Soomaaliya Micheal Keating ayaa Golaha Ammaanka Warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya iyo heshiiskii laga gaaray qaabka doorashada dalka ee sanadkan 2016.
Kulan gaara oo Golaha ammaanka ka sheegay arrimaja Soomaaliya ayaa Mr. Keating warbixin ka siiyay Golaha horumarka laga gaaray qaabka doorashada dalka ka dhici doonta, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xaalada Soomaaliya ay isbedel ku tallaabsatay in heshiis laga gaaray qaabka doorasha u dhaceyso xilliga kala guurka ee aakhirka sanadkan.

Golaha ammaanka ayaa warbixinta Wakiilka Q/Midoobay kadib ka dooday xaalada Soomaaliya waxayna soo dhoweeyeen horumarka siyaasadeed ee la gaaray. Xoghaya guud ee Q/Midoobay ayaa soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray qaabka doorasahada, wuxuuna madaxda Soomaalida ugu hambalyeeyay madaxda Soomaalida tallaabada ay qaadeen oo uu sheegay inay wadada u xaareyso in xilliga kala guurka si fiican u dhaco dowlada hadda jirtana waqtigeedu dhammaado.
Goobjooge.com