Wednesday, June 25, 2025

Cumar C/rashiid oo ku sii jeeda Puntland & Qorshe fashil ah oo loo diyaariyay

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa isu diyaarinaya inuu tago magaalada Garowe ee maamulka Puntland oo ay kala xaajoon doonaan diidmada ay kala hor yimaadeen go’aankii qaabka doorashada ee 2016.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha  ayaa lagu waramayaa inay la socdaan xubno ka mida wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo la kumi doona Madaxda Puntland si xal looga gaaro Cabashada Puntland.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu qorshe fashil ah u diyaariyay wafdiga ra’iisal wasaaraha, kaasoo ah in dadweyne bannaanbaxayaal ah laga hor geeyo, isla markaana madaxda Puntland ay wafdiga u sheegaan inay wax go’aan ah ka gaari karin arrinta doorashada 2016.

Waxaa sii kordhaya abaabulka ka socda magaalooyinka Puntland oo lagu diidan yahay heshiiska qaabka doorasho ee Muqdisho lagu gaaray, Waxaana muquata in Cumar C/rashiid guul ka keeni doonin safarkiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON