Wiil Soomaali ah oo ku eedeysan inuu Mindi ku dilay haweeney asalkeedu yahay Lubnaan oo ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taal magalaada Gothernberg ee dalka Sweden.
Wiilkan ayaa loo heystaa dilka Alexandra Mezher oo ahayd gabar 22 jir ah oo u dhalatay dalka Sweden, balse ka timid Lubnaan. Wiilkan oo magaciisa ku sheegay Yuusuf Khaliif Nuur ayaa su’aalo ay weydiisay maxkamad isagoo tarjubaan Soomali ah la joogay, hase yeeshee lama hayo wax cdadeyn ah in wiilkan uu yahay Yuusuf Khaliif Nuur kana yimid dalka Soomaaliya.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wiilkan uu diiday in uu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyay waxayna maxkamadu amartay in dacwadiisa qol xiran lagu dhagaysto. Yuusuf Khaliif Nuur ayaa maxkamadu xukuntay in la sii hayo ilaa iyo 11ka bisha Febraayo ee sanadkan lana soo dhamaystiro baaritaanadiisa.
Wiilkan Soomaaliga ah ayaa ku jirey dhismo lagu xanaaneeyo caruurta megangalyo doonka ah oo aan waalidkood la socon, waxaana la sheegay in halka uu ku noolaa ay ahayd meel loogu talogalay caruurta aan maskaxdooda caadiga ahayn. waxaana shaki laga qabaa da’diisa.
Falkan ayaa dhacay xilli wiilka Soomaaliga ay gacanta isula tageen arday kale oo xarunta xanaanada ku sugnaa, kadibna ay soo dhex gashay gabadha oo markaas ahayd shaqaalaha kaliya ee xarunta ku sugnaa, taasina waxay keentay inuu dhabarka iyo qaarka dambe dhowr jeer mindi ka geliyo, waxayna markii dambe u dhimatay dhaawacaasi.
SAWIRRO