Wararka laga helayo dalka Nayjeeriya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Waqooyiga Bari ee dalkaasi, kadib markii wiil yar oo is-miidaamiye ahaa uu isku dhex qarxiyay Suuq ku yaala magaalada Gombia ee is maamulka gobolka Adamawa.
Qarax is maadaaminta ah ayaa waxaa ku dhintay 8 ruux iyo dhaawac 28 ka badan. Sida Wakaalada wararka AFP soo werisay in qasaaraha uu yahay mid xoog leh.
Ma jirto weli cid sheegatay weerarka, waxaase farta lagu fiiqayaa in kooxda Boko Xaram ay ka dambeysay. Qofka weerarka soo qaaday ayaa isku soo beegay xili uu suuqu camirnaa oo dad badan isu yimaadeen si ay wax u kala iibsadaan.
Goobjooge.com