Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali (Sharma’rake) ayaa sheegay in go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha Qaran ay u gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo wareysi siiyay VOA-da ayaa tilmamay in hay’adaha sharci dejinta ay hordhigi doonaan go’aanadii kasoo baxay shirkii Madasha ee Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay, isagoo xusay dhan waliba ka eegeen xaaladda uu hadda dalku marayo kadibna ay go’aansadeen in ay raacaan habka 4.5 oo lagu soo dhisi doono awood qeybsiga Baarlamaanka, halka aqalka sare uu noqon doono mid loo qeybin doono maamul goboleedyada dalka jira.
Mudane Cumar C/rashiid ayaa caddeeyay in xukuumadda ay xalineyso wixii tabasho ah ee jira, isla markaana wax kasta lagu dhameyn doona miiska wadahadalka, waxaana uu sheegay inay muhiim tahay in aan la horseedin xasilooni darro dalka ka dhacdo.
Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay in dhamaadka bisha soo socda ee Febraayo shir ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu dhameystiri doono waxyaabaha qabyada ah ee ka dhiman geedi socodka nabada, kaasi oo ay ka qeyb geli doonaan wakiilada beesha caalamka iyo mas’uuliyiinta dalka.
Goobjooge.com