Thursday, June 26, 2025

Haweeney Soomaaliyeed oo 50 Milyan oo Doolar ka dhaxashay Fanaankii caanka ahaa ee geeriyooday David Bowie

Haweeneyda Soomaaliyeed Iman Mohamed Abdulmajid ee u dhaxda fanaankii caanka ahaa ee dhowaan geeriyooday  David Bowie ayaa la sheegay inay hanti dhan 50 Milyan oo doolar ay dhaxal ahan uga heli doonta hantidii uu ninkeeda ka tegay.

Hantida David ayaa gaareysa ku dhowaad 100 Milyan oo doolar, waxaana loo qeybinayaa xaaskiisa Imaan wiilkiis Duncan iyo gabadha Alexandria Zahra Jones.

Sida uu muujinayo  dokumenti uu ku qoran yahay magaciisa sharciga ah ee David Robert Jones oo la geeyay maxkamadda New York shalay wuxuu fanaanku uga tegay Imaan kala bar hantidiisa oo uu ka mid yahay gurigii ay ka deganaayeen magaalada New York, labadiisa caruur ahaa iyaguna mid waliba uu heli doonaa rubuc ama 25%.

Iimaan ayaa ka dhigan inay hanti fara badan kala hartay ninkii ay muddo hore is calmadeen ee kadibna ay guursatay, waxayna hantideeda iyo tan gabadha ay u hashay fanaanka marka la iskuy daro noqoneysaa 75 Milyan oo doolar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON