Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa wiil Soomaali ah ay ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah,markii uu qirtay inuu taageero u fiidyey ururka Al-Shabaab ee Mareykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso.
Maxkamadda Brooklyn ee New York ayaa Jimcihii lasoo dhaafay xukuntay Mahdi oo 26 jir ah,waxaana horay xukunno kala duwan u mutaystay laba qof oo Swedesh ah,markii lagu eedeeyay inay wiilkan la shaqaynayeen.
Mahdi Xaashi waxaa la qabtay sannadkii 2012-ka waxaana lagu qabtay Bariga Afrika,kadibna waxaa loo wareejiyey dalka Maraykanka,wuxuuna baaris dheer ka dib caddeeyay dembiyada loo haysto bishii May ee 2015-ka.
Dacwad oogista ayaa sheegtay inuu wadashaqayn la lahaa Cumar Xamaami iyo koooxda u dhalatay Maraykanka ee uu hoggaamin jiray. Xammaami waxa uu ka mid ahaa mintidiinta ay Maraykanku sida weyn u doonayeen ilaa intii uu ku dhintay weerar ay ku qaadday Al-Shabaab oo ay dhanka fekerka ku kala aragti duwanaayeen isaga iyo rag kale oo ajaaniib ah.
Goobjooge.com