Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in hay’adaha aan dowliga ahayn ee dalka ka howlgala ay yihiin kuwa ku shaqeeya qaab fowdo ah oo aysan dooneyn in lala xisaabtamo.
Wasiirka ayaa tilmaamay in tiradooda iyo tayada hay’adahaasi ay yihiin wax aan isku dheelli tirnayn, isagoo aad ugu dheeraaday baahiyaha asaasiga ee dad weynaha iney yihiin kuwo aad u liita, kuwaasoo uu balan qaaday in lala xisaabtami doono dhowaan.
Wasiirka ayaa sheegay inuu ka hadlayo ururada caalamiga aha ee aan dowliga ahayn International NGOs oo ah hay’adaha waaweyn ee Soomaaliya ka wada mashaariicda kala duwan.
Dhageyso Warka
Goobjooge.com