Tuesday, July 15, 2025

Akhriso: Wasiirada Arrimaha dibadda IGAD oo go’aano culus kasoo saaray arrimaha Soomaaliya

Shir laba maalmood wasiirada Arrimaha dibada dalalka xubnaha ka ah IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa looga hadlay arimaha Somalia iyo Koonfurta Sudan. Gebagabadii kulanka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku dhawaad 30 qodob ka kooban oo khuseeya labada dal.

Hadaba waxaan halkan hoose ku soo koobnay nuxurka warmurtiyeedka gaar ahaan qodobada khuseeya arrimaha Soomaaliya oo kala ah:

1) Goluhu wuxuu soo dhaweeyay ka go’anaanshaha DFS in doorashooyinku ku dhacaan xiligii loo qabtay

2) Goluhu wuxuu taageersan yahay go’aankii DFS ka soo saartay nooca doorasho ee lagu saleynayo doorashada Somaliya daba yaaqada sanadkan iyadoo IGAD iyo Beesha caalamka laga codsaday in laga hortago qaswadayaasha caqabada ku ah hor u socodka dhanka Siyaasada iy amniga Somalia

3) Goluhu wuxuu go’aan ku gaaray in gudi ka kooban golaha wasiirada IGAD ka caawiyaan DFS wada hadalada ay la geli doonto maamul goboleedyada si loo dhaqan geliyo go’aanka kasoo baxay DFS.

4) Goluhu wuxuu DFS ugu baaqay inay dedejiso dhismaha maamul goboleedka Shabeelada dhexe iyo Hiiraan iyo wadahadalada u socda Galmudug iyo Ahlu sunna

5) Goluhu wuxuu bogaadiyay balanqaadka, dadaalka joogtada ah iyo dhiiranaanta AMISOM iyo SNA iyadoo goluhu cambaareeyay weerarkii Ceelcade.

6) Wuxuu soo dhaweeyay balanqaadka Jabuuti ee ah inay martigelinayso kulanka dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia ee Bisha February ka dhici doona Jabuuti kaas oo dib u eegi doona hawlgalka AMISOM.

7) Wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee xafiiska IGAD ee Somalia ka qaadanayo arimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo dhaqan gelinta hiigsiga DFS ee  2016.

8) Goluhu wuxuu soo jeediyay in kulan madaxeedka xiga ee dalalka IGAD lagu qabto Muqdisho

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON