Thursday, June 26, 2025

Malaaqa Xamar & Xamardaye: “Ma qaadan karo cadaalad darrada lagu sameeyay Gobolka Banaadir” WAR-SAXAAFADEED

Beelaha dega Gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid go’aankii dowladda Federaalka ka soo baxay ee dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka, waxaana kulan waxgarad beelahaasi ku yeesheen Muqdisho laga soo saaray qodobo dhowr ah oo looga horjeedo cadaalad darro la sheegay inay ka jirto Madaxtooyada Soomaaliya.

Malaaqa Xamar iyo Xamardaye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Weheliye ayaa sheegay inaysan aqbaleynin cadaalad darro “Gobolka Banaadir dhammaan umadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku nool, wuxuuna leeyahay xaq la mida kuwa gobolada kale” ayuu yiri Malaaq Cali oo si cad u sheegay inaysan qaadaneynin go’aanka kasoo baxay madaxtooyada.

Waxaa kulanka laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin:

  1. In dib loo saxo go’aankii Madasha Qaran oo khilaafsanaa dastuutka
  2. Beesha caalamka inay ka digtoonaao taageerada go’aanada xaqooda lagu duudsiinayo dadka gobolka Banaadir
  3. Ka maqnaanshaha maamul goboleedka Banaadir iyo hanaanka siyaasadeed ee dalka wuxuu abuuri karaa xasilooni darro
  4. Waxaa loogu baaqay dadka Gobolka Banaadir shir degdeg ah oo aayahooda uga tashanayaan.

War-saxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa Malaaqa Xamar iyo Xamardaye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Weheliye

HOOS KA DAAWO WARKA KULANKAASI & HCTV

https://youtu.be/gAAnPv8KTzA

GOOBJOOGE.COMMalaaqa

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON