Thursday, June 26, 2025

Maamulka Jubbaland oo beeniyay in Kenya xasuuq ka geysatay Gobolka Gedo & Digniin

Maamulka Jubbland ee Axmed Madoobe ayaaka hadlay wararka sheegaya in Kenya xasuuq ka geysatay Gobolka Gedo markii ay diyaaradaha dagaalka Kenya  dad ku laayeen deganka Ceelcadde ee gobalka Gedo sida ay sheegeen warar ka soo baxay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Jubba Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo shir jaraa’id  ku qabtay Kismaayo ayaa beeniyay wararkaasi wuxuuna sheegay inuusan jirin wax xasuuq ah oo ka dhacay degaanka Ceelcadde.

Wuxuu sheegay in kooxaha wararkaas sheegaya ay taageero u yihiin kooxaha argagixisada sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan caddaynayaa inuusan jirin wax xasuuq ah oo dowlada Kenya ay ka gaysatay gobolka Gedo gaar ahaan Ceelcadde, dadka wararkaas faafinayana waxay tageero u yihiin aragixisada aan dagaalka kula jiro Gedo” Wasiirka C/rashiid Janan oo kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Wuxuu u digay dad ku sugan Magaalada Muqdisho oo wararka xasuuqa faafianaya, “Annaga kama yeeleyno nin xamar fadhiya in uu shacabkanaga marin habaabiyo” ayuu markale sheegay.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu sheegay inay guddi baaritaan u diri doonaan gobolka Gedo oo soo baara arrintan,  guddiga waxaa hogaamin doona Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON