Senator Ted Cruz ayaa codeyntii gobolka Iowa kaga adkaaday bilyaneerka Donald Trump tartankii xisbiga Jamhuuriya ee xilka Musharaxa Madaxweynaha Mareykanka, halka Clinton ay codad kaga horreyso Sanders, dhinaca xisbiga dimoqraadiga kuna dhawaaqay goor dhoweyd inay ku guuleystay Iowa.
Cruz, oo ah sharci dejiye muxaafad ah oo laga soo doorto gobolka Texas ayaa helay 28% codadka, Taasi oo 3.5% ka badan codadka uu helay Donald Trump, oo weli ah ninka ku horeeya codadka ra’yiga ee saadaasha dalka Mareykanka. Senator-ka gobolka Florida, Marco Rubio ayaa kaalinta saddexaad ku galay 23% codadka.
Dhinaca xisbiga dimoqraadiga ilaa iyo hadda Clinton ayaa heshay 50% codadka oo la tiriyay 99%, halka Bernie Sanders uu ka helay 49%. Clinton waxay si dhib leh uga guuleysaneysaa musharaxa Sanders, inkastoo an si rasmi ah loogu dhawaaqin guusheeda. Haddan kooxda Clinton ayaa ku dhowaaqday inay ku guuleysatay gobolka Iowa.
Gobolka xiga, ee codbixinta ay ka dhici doonto waa gobolka New Hampshire oo 9-ka February qabanaya tartanka musharaxiinta labada xisbia, waxaana illaa iyo hadda ku horeeya Donald Trump oo dhinaca Jamhuuriga ah iyo Bernie Sanders oo dimoqraadiga ah.
Statement on @HillaryClinton's victory in the Iowa caucus pic.twitter.com/bgP02kYs4Y
— Gwen Rocco (@gwenrocco) February 2, 2016
Goobjooge.com/VOA