Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Kenya oo isaga baxay Degmada Baardheere, Gobolka Gedo

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidankii Kenya ee ku sugnaa halkaasi ay isaga baxeen, kadib markii ay  isaga guureen magaalada oo ciidamo fara badan ka joogeen, taasoo ka mida qorshe ciidamada Kenya uga baxayaan saldhigyadooda.

Fariisimihii ay baneeyeen ciidamada Kenya ee magaalada Bardheere  ayaa waxaa durba buuxiyay ciidamada Itoobiyaanka ee magaalada ku sugnaa oo hadda keligood u haray magaalada. Ciidanka Kenya ayaa la sheegay inay si qorsheysan ugu gurteen degmada Ceelwaaq iyagoo sii maraya  ciidamadooda ku sugan inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Baardheere ee fadhigoodu yahay degaanada Faafaxdhuun, Tarako iyo Buusaar.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Kenya dartood ayaa hawada looga saaray isgaarsiinta magaalada Baardheere. Kenya ayaa dagaalkii Ceelcade ee askarta badan looga laayay kadib waxay ciidamadeed ka saartay saldhigyadii ay ku lahaayeen Ceelcade, Badhaadhe iyo Buulogaduud.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON