Wararka laga helayo hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo baaritaan ku heysta shilkii qabsaday diyaaradii Daallo Airlines ee garoonka Muqdisho ku soo laabtay kadib markii qarax ka dhacay gudaheed ayaa sheegaya in la aqoonsaday qofkii ka dhacay diyaaradda ee meydkiisa laga helay degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ninka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa ganacsade caan ah oo kasoo jeeda magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, laakiin degan magaalada Hargeysa, waxaana magaciisa lagu sheegay C/llaahi C/salaan Boore.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ninkani u socday arrimo caafimaad kuna sii jeeday dalka India, halka warar kale sheegayaan inuu ku sii jeeday dalka Turkiga. Ehelada ninkan ayaa meesha ka saaray suuragalnimada inuu is qarxin abaabulo ama uu ahaa qof qarax waday sida tuhunno hore ay sheegeen.
Hay;adaha baaritaanka ku wada diyaaradda iyo shilka ka dhex dhacay waxa uu ahaa ayaan weli soo saarin wax rasmi ah, waxaana jira shakiyo badan oo ku wareegsan shilkaasi, kadib markii qofkii la tuhunsanaa uu noqday qof caadi ah oo weliba ganacsade caan ahaa.
Goobjooge.com