Thursday, June 26, 2025

Duuliyihii Diyaaradda Daallo oo faahfaahin ka bixiyay wixii ka dhacay Flight D3159

Duuliyihii diyaaradii Daallo Airlines ee shilka ku qabsaday hawada Muqdisho ayaa u sheega wargeyska “The Guardian” ee kasoo baxa dalka in wixii diyaaradda ku dhacay ay ahaayeen qarax miino oo la dhex keenay diyaaradda.

Vladimir Vodopivec oo 64 sano jir ah, waxaa uu sheegay inuu maqlay dhawaqa qarax weyn oo diyaaradda ka dhex dhacay kadibna uu ku dedaalay sidii diyaaradda oo bed qabta uu dhulka u fariisiin lahaa garoonka Muqdisho.

“Waxaan maqlay qarax weyn oo na khalkhal geliyay nasiib wanaag qeybteena waxba sooma gaarin sidaa darteed waxaan xooga saarnay in diyaaradda aan garoonka dib ugu celino waan ku guulaysanay” ayuu yiri Vladimir Vodopivec oo ah duuliyihii diyaaradda Daallo oo intaas ku daray inay aheyd markii ugu horeysay ee dhacdo noocaan oo kale ah qabsato diyaarad uu wado.

John Goglia oo khabiir mar la shaqeeyay shirkad ka shaqaysa bed-qabka diyaaradaha oo Maraykanka jooga ayaa sheegay in marka la eego sawirrada laga qaaday,inay muujinayaan waxyaabaha qarxa oo diyaaradda la dhex dhigay.

Wuxuna intaa ku daray in labo shay un ay diyaaradda daloolin karaan,qarax meel la dhigay ama awood kale oo ka xoog badan,taasoo kaga iman karta gudaha ama dibedda.

Waxaa weli socda baaritaanka diyaaradda Daallo oo warar kala duwani kasoo baxayaan, waxaana sii socon doontaa saadaalinta waxa qabsaday diyaaradda inta laga helayo xaqiiqada rasmiga ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON