Wararka laga helayo degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 17 qof oo barakacayaal ah.
Maxamuud Sheekh oo ah horjoogaha Xerada oo lagu magacaabo Daryeel kuna taalla, degmada Kaxda ayaa sheegay in 17 Qof ay baahi ugu dhinteen xerada.
Dadka dhintay ayaa isugu jira dad waaweyn iyo caruur baahi iyo cudurro ay isugu darsameen, waxaana xerada dhibaatada ka dhacday degan 1500 oo Qoys, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir oo dadkaas dejhiyay ka joojiyay raashin loo karin jiray.
Qeylo dhaanta kasoo yeereysa xerada ayaa sii korsheysa iyadoo aan wax jawaab ah laga helin maamullka Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Taabit Cabdi oo hadda ku mashquulsan xuska maalinta 15-ka May ee dhalinyarada.
Goobjooge.com