Kooxda Alshabab ayaa gacanta ku heysa magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay isga baxeen magaaladaasi ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana soo dhacay sawiradii ugu horeeyay ee Alshabaab oo magaalada Merka ku sugan.
Dhinaca kale AMISOM ayaa beenisay inay ka baxday Magaalada Marka waxayka ku eedeysay caddow Soomaaliyeed inay fidinayaan wararkaasi beenta ah iyadoo ku dooday in mararka qaarkood ay ciidamada AMISOM ka baxaan saldhigyo arrimo farsamo awgood oo si caddowga looga guuleysto ay aag bedelasho sameeyaan.
Our troops will from time to time re-adjust their positions for tactical purposes to guarantee defeat of terrorists. #Somalia
— AMISOM (@amisomsomalia) February 5, 2016
Waxaa aad loola yaabay warka AMISOM ku qortay iyadoo ay xaqiiqo tahay wax ka dhacay magaalada Berbera.




Goobjooge.com