Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa ku dhawaaqay in diyaaradda Daallo qaraxa ka dhacay uu ahaa mid loogu talogalay in lagu waxyeelo diyaaradda iyo dadkii saarnaa.
“Waxaa dooneynaa inaan idinla wadaagno natiijada ka soo baxday baaritaanka qaraxii diyaaradda Daallo Airline, markii hore tuhumo ayaa jiray, waana baareynay, waxaa idin sheegeynaa in diyaaraddaas ku socotay Jabuuti oo siday 74 rakaab ah iyo todobo shaqaale ah in loo adeegsaday walxo qarxa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali.
Wasiirka ayaa sheegay in dad loo qabtay qaraxa loo maleegay diyaaradda Daallo.
DHAGEYSO WASIIR JANGELI & MADAXDA WAAXDA DUULISTA
Goobjooge.com