Thursday, June 26, 2025

Shaqaale ka tirsan Garoonka Muqdisho & Daallo Airline oo loo xiray qarxinta Diyaaradda Daallo

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qaabkii loo maleegay  qaraxii diyaaradda Daallo Airline lala beegsaday oo loo xiray in ka bdan 20 ruux oo isugu jira shaqaalaha garoonka iyo rakaab diyaaradii la qarxiyay ka mid ahaa.

Afhayeenka dowladda C/salaam Caato ayaa sheegay in dadka la xiray ay ku jiraan laba nin oo shaqaalaha garoonka dharkooda sita kuwaaso Laptop u dhiibaya ninka diyaaradda ka dhacay ee la tuhunsan yahay inuu  qaraxa waday ee dhintay ninkaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi C/salaan Boorle.

Khubarada dhinaca baarista ayaa hore u sheegay in diyaaradda Daallo waxa ku dhacay uu ahaa qarax lasoo maleegay, taasoo keentay in baaritaanka socda la xoojiyo iyadoo Caamerada CCTV ee garoonka ku xiran laga helay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo rag dhowr ahi ku saacidayaan  ninka diyaaradda kadhacay ee C/llaahi Boorle oo ah kan ugu weyn loo heysto inuu diyaaradda qarxiyay.

Dadka la xiray waxaa ka mida shaqaale garoonka ka shaqeeya iyo waliba shaqaale shirkadda Daallo ka mida sida uu sheegay sarkaal nabadsugidda ka mida, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la ogaado faahfaahin badan oo qaraxa Daallo la xiriira.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON