Friday, June 27, 2025

DAAWO SAWIRRO: Dadkii fududeeyay weerarkii Diyaaradda Daallo oo la aqoonsaday

Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ka badan  20 ruux loo xir xiray Qaraxii ka dhacay gudaha Diyaaradii Daallo Airlines, ee labadii bishan Feebaraayo ku sii jeeday Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti..

Afhayeenka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya C/salaan Axmed Caato ayaa warbaahinta VOA u sheegay in Qaraxaasi loo soo xiray in ka badan 20 qof oo lala xiriirinaayo inay wax ka ogaayeen ama ay ku saacideen weerarkasi.
Waxaa la soo bandhigay muuqaal ay duubtay Kaamirada CCTV-ga ee Garoonka, waxaana Muuqaalkaasi laga dhex arkay labo nin oo mid ka mid ah uu xiran yahay dharka ay gashtaan Shaqaalaha Garoonka, kuwaasi oo Laptop u dhiibaya nin la sheegay inuu ahaa kii Diyaaarada isku dhex qarxiyay kana dhacay diyaaradda.
HOOS KA DAAWO MUUQAALADA
Qarax-52-1
Qarax-858
Inkastoo Afhayeenka Xukuumadda C/salaan Caato uusan kala saarin dadka xiran waxay yihiin, hadana wuxuu ku gaabsaday inuu socdo Baaritaanka oo loo ogol yahay kaliya intaasi inuu sheego.
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON