AMISOM aya goor dhoweyd soo bandhigay sawirro muujinaya in ciidamadeeda ay ku sugan yihiin magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii nagaaladaasi muddo saddex jeer ah ay isaga danbeeyeen Alshabaab iyo AMISOM.
Maleeshiyada degaanka ayaa la arkayaa iyagoo la socda ciidamada AMISOM, waxaana weli muuqata in ciidamada milateriga dowladda ay ka cago jiidayaan inay magaaladaasi tagaan, laakiin wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay shalay gaareen halkaasi.
AMISOM ayaa isku dayday inay beeniso ka bixitaankeeda magaalada Marka waxayna ku eedeysay caddowga Soomaaliya inuu faafiyay wararka beenta ah, laakiin xaqiiqada ayaa qarsoomi weyday xilligan aan la qarin karin dhacdo sidaas oo kale ah.
DAAWO SAWIRRADA AMISOM
AMISOM re-affirms its commitment to continue working hand in hand with the people of #Somalia and with the Somali Security Forces.
— AMISOM (@amisomsomalia) February 9, 2016
Goobjooge.com