Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa shaaciyay inuu guddoonka Baarlamaanka soo gaaray Mooshin laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo ku saabsan in madaxweynuhu jebiyay qodob dastuuri ah.
Jawaari ayaa sheegay in Mooshinka ay qabteen shalay 8-da Febraayo 2016, balse la qoray maalin kahor. “Mooshinka guddoonka waa soo gaaray waxaana saxiixay 54 xildhibaan, tallaabada ugu haboon si degdeg ah ayaan u qaadeynaa” ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka oo faafhaahin ka bixin waxa ay noqon doonto tallaabadaasi.
DHAGEYSO CODKA JAWAARI
Goobjooge.com