Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cismaan C ilmi Guuleed ayaa ka hadlay dacwad ay dhowaan xisbiyo siyaasadeed ka gudbiyeen Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya kaasi oo ku saabsan sharciga xisbiyada siyaasadda.
Garyaqaanka ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin xisbiyo sharci ah ayna sharci ahayn inay dacwad gudbiyeen hay’ad aan jirin, wuxuuna si cad u sheegay inay khalad ahayd in maxkamadda sare ay qabato dacwad noocaasi ah.
“Horta dacwad siyaasadeed hadii la dhaho Maxkamad ha la isku geeyo waxay ila tahay arintaasi tahay khalad, wixii siyaasad ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa wakiil ka ah waxay aheyd dadkaasi hadii runtii tahay arin Siyaasadeed in la geeyo Baarlamaanka” ayuu yiri Garyaqaanka dowladda.
Siyaasiyiin madax ka ah xisbiyo siyaasadeed oo Muqdisho ka dhisan ayaa dhowaan Maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ku lid ah Ra’iisal wasaaraha iyadoo maxkamadda sare ay dacwadaasi qabatay.