Sunday, July 13, 2025

Wasaaradda Caafimaadka Somalia & Hay’ada WHO oo heshiis kala saxiixday [SAWIRRO]

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO iyo wasaarada ayaa kala saxiixdeen heshiis labo sano ah oo lagu horumarinayo Caafimaadka dalka soomaaliya. Heshiiskan ayay kala saxiixdeen Madaxa WHO ee Soomaaliya Dr.Ghulam Popal Rabani  iyo Wasiirka caafimaadka ee Xukuumada soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed.

“Waxaan halkan ku kala saxiixanay qorshe heshiis labo sano ah oo ay wada galayaan WHO iyo Wasaarada caafimaadka dowlada Soomaaliya,Aad baan ugu faraxsanahay in WHO oo mudo dheer caawinaysay dowlada soomaaliya ay maanta kala saxiixdo heshiiskan labada sano ah oo lagu horumarinayo laguna taageerayo caafimaadka dalka soomaaliya”Ayuu yiri Dr Ghulam.

Heshiiskan labada sano ah ayaa ah mid lagu hormarinayo guud ahaan caafimaadka dalka gaar ahaan ka hortagga cudurada leys qaadsiiyo sida AIDS-ka.

Wasiika caafimadka ee xukuumada Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed oo iyaduna ka warbixisay heshiiskan ayaa waxa ay sheegtay inheshiiskani uu wax badan ka badali doono caafimaadka Dalkeena. “Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aan heshiis labo sano ah la saxiixanay hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO,barnaamijka waa mid mudo badan laga soo shaqeynayay oo ka hadlaya qorshe howleedka 2016-2017,markii wada hadal lala yeeshay dowlad gobaleedada dadka caafimaadka ka shaqeeya,dhaqaatiirta dowlada dhexe iyo qof walba oo howl ku lahaa adeegyada Caafimaadka ayaa waxan aruurinay Xog ku aadan baahida dhanka caafimaadka oo ay qabaan ummadda Soomaaliyeed”Ayey tiri Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed.

“Waxan muhimad gaar ah siinay waa 5-qodob oo uu ka mid yahiin  Cudurada la iska qaado sida Jadeecada iyo Dabeysha,waliba waxan aad xooga loo saarayaa talaalada ilmaha marka ay yaryihiin”Ayey tiri wasiirka Caafimaadka.

DAAWO SAWIRRO

IMG_4368IMG_4387IMG_4388IMG_4391IMG_4392

Sawir qaade:- Hassan Omar Baffo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON