Thursday, June 26, 2025

Wiil Soomaali ah, kuna eedeysan taageerada ISIS oo Maxkamad lagu soo taagay Mareykanka

Maxkamada Federaalka dalka Mareykanka ayaa denbi ku heshay wiil Soomaali Mareykan ah oo qirtay inuu taageero u fidiyey kooxda Daacish. Cabdirasaq Warsame oo ah wiil degan  magaaada Minneapolis ee gobola Minnesota ayaa  qirtay  inuu dhalinyaro Soomaali ah oo  Minnesapolis  degan uu ku dhiirigeliyey inay u safraan dalka Syria.

Deeqa Xuseen oo  wiilkan hooyadiis ah ayaa VOA-da u sheegtay inay ka xuntahay waxa qabsaday wiilkeeda. Waxa kale oo ay sheegtay in qirashada danbiga ay aheyd mid ah go,aan ku gaareen iyada iyo wiilkeeda. “Anaga ayaa go,aan ku gaarnay inuu runta ka sheego wuxuu sameeyey, marki aan ogaaday aad ayaan uga naxay mana rabin in arrintan ay igu dhacdo’’ ayey tiri hooyaadaan.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP, Cabdirisaaq Maxamed Warsame, oo 20 jir ah, ayaa la filaya in uu qirto dambiga uu ku eedeysan yahay, ee ah in uu dhalinyaro kale oo Soomaali ah ka caawiyo inay u safraan Siiriya si ay kooxda Daacish ugu dagaallamaan

Dhalinyarada Soomaalida ee  qurbaha ayaa beryahan danbe waxaa maxkamado loo soo taagayaa arrimo kala duwan oo ku saabsnaaargagixiso iyo falal dembiyeedyo kale iyadoo qaarkood lagu dilo dalalkaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON