Friday, June 27, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo ka guuleystay marqaatiyeyaashii Dacwadii Maxkamada Adduunka

Garsoorada  Maxkamadda Rafcaanka ee Maxkamadda Dembiyada ee adduunka  ayaa jebiyay qoraalo dacwadeed oo  marqaatiyaal hore ay sameeyeen oo la xiriira dacwad loo heysto  madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William  Ruto.

Mr. Rhuto ayaa hadda ku guuleystay in qoraalada hore aan loo adeegsan dacwadii loo heystay oo  la xiriira denbiyo ka dhan ah bani’aadamnimadda in dad badan oo lagu dilay qalalaasihii ka dambeeyay doorashada dalkaasi ka dhacday sanadkii 2007-dii.

Dacwadii loo heystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa mar hore meesha ka baxday, waxaase jiray eedeymo la xiriira cabsi gelin iyo laaluush, iyadoo marqaatiyada inta badan ay la noqdeen warbixinadii ay qoreen si dacwado loogu qaado labada mas’uul ee ugu sareeya dalka Kenya.

In ka badan kun qof ayaa lagu dilay dagaal qabyaalad salka ku hayay ee dhacay cod bixintii kadib sanadkii 2007-dii. Marka laga gudbo Mr. Ruto iyo Mr. Kenyatta, tiro kale oo isku jira siyaasiyiin, suxufiyiin ayaa lagu soo oogay dacwada la xriira danbiyo dagaal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON