Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay degaanka Biyo-cadde ee gobolka Shabeelaha Hoose oo dhowaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen kooxda Al-shabaab oo muddo dheer ka talinayay, isla markaana dagaal la’aan isaga baxay Khamiistii hore.
Wafdiga Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe ayaa dhankiisa Biyocade ka sheegay inay u kuur galayaan xaalada deegaanka oo waqti dheer Alshabaab dhibaato ka wadeen, wuxuuna u balanqaaday dadweynaha degaankaasi inay taageero siin dooonaan.
Kulan dhex maray wafdiga guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe iyo waxgaradka Biyocadde ayaa looga hadlay baahida degaanka ka jirta iyo sidii maamul loogu sameyn lahaa degaankaasi, waxaana dadweynaha degaankaasi ay cabasho u gudbiyeen maamulka Sh/dhexe.
Goobjooge.com