Sunday, June 22, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shaacisay in Sharcigii Xisbiyada loo gudbinayo Baarlamaanka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hindise Sharciyeedka Axsaabta Siyaadada oo ay dhowan ansixiyeen Golaha Wasiiradda diyaar yahay, loona gudbinayo Barlamaanka si ay uga doodaan una ansixiyaan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheeegay in Wasaarada arrimaha gudaha ay Baarlamaanka horgeyn doonto sharciga xisbiyada Siyaasadeed oo ay mariyeen golaha wasiirada.

“Sharci xisbiyada waxaa meel mariyay  Golaha Wasiirada, waxaana loo  gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, iyadoo marka uu meel mariyo sharci nooqn doono, isla markaana ciddii soo buuxisa sharuudaha sharciga loo aqoonsan doono xisbi siyaasadeed” ayuu yiri Cabdirashiid Xiddig oo sheegay inaan xisbi la iska furan karin oo qodobada sharciga ka mida ay sheegayana cidda xisbi siyaasdeed noqon karta.

Ad

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON