Sunday, July 13, 2025

Qasaarihii ka dhashay dabkii qabsaday Suuqa Wadajir ee magaalada Muqdisho

Waxaa xalay goor danbe lagu guuleystay in  la damiyo  Dabkii qabsaday y Suuqa Weyn ee degmada Wadajir  ee magaalada Muqdisho oo la sheegay inuu ka kacay  koronto  qaraxday oo ku jirtay mid ka mida dukaamada ku yaalla Suuqa.

Dabka baab’iyay tobanaan dukaano iyo Bakhaaro u badan kuwa lagu iibiyo qalabka dhismaha, isagoo gaaray  qeybta Dhuxusha iyo raashinka.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay in  khasaaraha hantiyadeed aan la ogeyn iyadoo tirakoob aan lagu sameyn weli.

Korontada faraha badan iyo fiilooyinka sida fowdada ah wadooyinka ugu xiran waxay halis ku yihiin magaalada Muqdisho, waxayna ahayd aakhirkii sanadkii hore markii dab ka kacay koronto uu baabi’iyay qeyb ka mida degmada Xamarweyne.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON