Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa goor dhoweyd magacaabay 4tii xubnood ee laga sugayy inay ka mid noqdaan Guddiha Guddiga Doorashooyinka Puntland.
Afarta xubnood ee guddoomihaha Baarlamaanka Puntland magacaabay kana mid noqonay guddiga doorashada maamulkaasi waxay kala yihiin:
- Siciid Maxamud Xersi (Diraac)
- Eng. Maxmed Axmed Siciic (Jacfar)
- Axmed Xasan Bille
- Eng.. C/risaaq Xuseen Gacayte
Madaxweyne Gaas ayaa shalay magacaabay shan xubnood iyo xoghaye ka mida guddiga doorashooyinka, waxayna xubnahan cusub ay ka dhigayaan inuu guddigu noqday 8 xubnood iyo xoghaye.
AKHRI XUBNAHA UU MAGACAABAY C/WELI GAAS
Guddigan oo muddo dheer la sugayay ayaa fure u ah in Puntland ka guurto nidaamka beeleed, inkastoo degaanada maamulkaasi lagu degan yahay qaab beeleed, lana furo xisbiyo siyaasadeed.
Goobjooge.com