Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay isbedelka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG oo laba guddi ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka ay kasoo shaqeeyeen.
Qodobada wax laga bedelay ayuu sheegay inay ka mid yihii kuwa tilmaamaya awooda Madaxweynaha iyo tan Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo wuxuu intaas ku daray in wax ka bedelka Dastuurka KMG ay ku sameynayaan ay gacan siisay Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Jarmalka.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in dhammaan maamul goboleedyada marka laga reebo maamulka Soomaaliland ay ka tala geliyeen wax ka bedelka Dastuurka isagoo qiray in Soomaaliland ay ku adkaatay balse dadka ka soo jeeda ay ka qeyb galaan wadatashiyada.
DHAGEYSO C/LLAAHI SHEEKH ISMAACIIL
Goobjooge.com