Guddiga is magaacaabay ee la baxay Guddiga Madax Xalinta Khilaafkii hogaanka Ururka Suxufiyiinta NUSOJ, ayaa kulam la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir iyagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin halka ay mareyso howsha guddiga ee dhameynta khilaafkan mudada soo jiitamayay iyo helida qorshe dhab ah oo lagu dhisayo hogaan ururka NUSOJ uu yeesho.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta iyo ka dowlad ahaanba ay taageerayaan dadaalada Warbaahinta Soomaaliya lagu horumarinaayo, maadaamaa dalka hada isbedelo dhinaca horumarka ah uu galayo. Sidoo kale Maareeye ayaa ka hadlay mowqifka Wasaaradda Warfaafinta kaga aadan Ururuka suxufiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.
“Mowfiqka dowlad ahaan iyo kan Wasaarad ahaan, waxaan cadeynayaa in NUSOJ ay tahay urur saxaafadeed oo madax banaan, kaasi oo ay leeyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Guddigan oo ka kooban 9 xubnoo ayaa waxaa ka dhex muuqda xubno kala raacsan labada garab iyo labada nin ee isku haya hogaanka ururka waqtigiisu dhammaaday ee NUSOJ lamana oga xalka ay keeni karaan, iyadoo la ogyahay in muddo dheer arrintan soo jiitameysay oo aanay jirin cid dhexdhexaad ka noqon karta.
SAWIRRO
Goobjooge.com