Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub oo maanta Shir JAraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan ka soo saaray xaaladda dalka ku sugan yahay iyo abaaraha ka jira dhulka Soomaalidu degto, wuxuuna baaq isku mida u diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Abwaanka oo qiiro ay ka muuqatay ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed gurmad degdeg ah oo loo fidiyo dadka abaaraha saameyeen. Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada ka jira Dalka u soo jeediyay inay gargaar u fidiyaan dadka ay abaaruhu ku dhaceen.
DHAGEYSO QEYLO DHAANTA ABWAAN SANGUB
Goobjooge.com