Wednesday, June 25, 2025

Ciyaartoyda 11-jirada Soomaaliya oo xaalad adag ku qabsatay Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi

Ciyaartoyda da’ yarta Soomaaliya ee ka qeyb galay koobkii Jeem ayaa xalay ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi iyagoo transit ku ahaa halkaasi ayaa sheegay inay xaalad xun iyo duruuf adag kala kulmeen garoonka.

Ciyaaryahanadan oo Koobka Jeem Cup ee lagu qabtay Magaalada Doha ee dalka Qatar wacdaro ka dhigya ayaa shegay inay Jiifsadeen dulka kadib markii ay waayeen Cid uga maciinta oo geysa goob ay ku nastaan ama seexdaan.

Laacibiint yaryar ayaan laga war qabin xaaladooda, waxayna Safaarada Soomaaliya ee Kenya ka sugayeen taageero iyadoo ay tahay markoodii ugu horeysay ee safraan, waxayna qaarkood oo saxaafadda la hadlay sheegeen in safaaradda oo ay la xiriireen ay ka waayeen wax jawaab ah.

Xaalada wiilasha da’da yar ee 11 jiradda ayaa dad badan u damqadeen markii xaaladooda ay baahiyeen idaacadaha Muqdisho, waxaana maanta lagu wadaa in si weyn oo heer sare ah loogu soo dhoweeyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON