Sunday, June 22, 2025

DAAWO: Xaflad maamuus ah oo loo sameeyay xulka 11-jirrada ka qeyb galay Koobkii Jeem

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ku maamuusay xalay da’ yartii xulka 11-jirrada oo dhowaan dalka Qatar uga soo qeb galay koobkii Jeem ee dugsiyada Carabta.

xubno ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaanno, Gudoomiyaasha Barlamaanada  Galmudug, Jubbaland, Koonfurgalbeed, maamulka gobolka benaadir Fanaanin, ururrada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynayay cayaartoydaasi.

Waxaa xaflad lagu soo bandhigay suugaan ka hadleysa qiimaha ay leedahay waddaniyadda ayaa lagu soo bandhigay munaasabada, iyadoo Guddoomiyaasha Barlamaanada  Galmudug,  Jubaland, iyo Koonfurgalbeed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegen in xiligan loo baahanyahay in si wada jir ah looga qeyb qaato dhiiri gelinta ubadka yar, isla markaana laga wada shaqeeyo horumarka dalka.

Ad

Guddoomiyaha  gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcale  ayaa sheegay in uu bilowday kacdoonka lagu horumarinayo Muqdisho , isagoo intaa ku daray in dowladda Hoose ee Xamar ay u qorsheysay Da’yarta Ciyaartoyda 11 Jirada in laga dhigo cayaartooyda kooxda dowladda Hoose.

Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukumada Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Nuux ayaa ku booriyay in la taageero ololaha lagu doonayo in lagu horumariyo Nabadda iyo isboortiga. Wasiirka Howlaha Guud iyo dib udhiska Dalka ee Dowlada Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh Cusmaan oo kamid ah mas’uulinti munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in da’yarta 11 jirada ay astaan qaran u yihiin Umudda Soomaaliyed.

DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON