Monday, June 23, 2025

Shirkadda SMART GROUP oo warsaxaafadeed kasoo saartay Iibinta Idaacadda Gool FM ee Muqdisho

Shirkadda Smart Group waxay si rasmi ah u shaacineysaa inay iibisay idaacaddii, talefishinkii iyo website-kii cayaaraha ee Gool FM oo soo shaqeyneysay tan iyo bishii May 2012kii. Ujeeddada loo iibiyay waxay ahayd in shirkaddu xoogga saarto howlo u badnaan doona dhinaca waxbarashada.

Maamulka Smart Group wuxuu u mahadcelinayaa maamulkii idaacadda iyo dhammaan shaqaalihii ay soo wada shaqeeyeen muddadii afarta sano ahayd ee ay idaacaddu shaqeyneysay, kuwaasoo idaacadda u horseeday horumar degdeg ah.

Intii ay idaacaddu jirtay waxay horumar weyn ku soo kordhisay cayaaraha dalka, iyadoo dhallinyarada bartay kooxaha iyo cayaartoydooda. Waxay dadka tusisay in idaacad aan arrimo siyaasadeed ka hadlin ay saameyn ku yeelan karto dalka. Website-ka idaacaddu wuxuu muddo kooban gudahood uga mid noqday 5ta website ee af-Soomaali ku qoran ee ugu shacbiyadda badan, halka barta Facebook ee idaacadda ay ahayd midda ugu dadka badan (65kun oo qof) guud ahaan idaacadaha ku yaalla Soomaaliya.

Ad

Shirkadda oo dareemeysa qiimaha ay shaqaaluhu u leeyihiin howsha idaacadda ayaa iska xilsaaray daryeelka shaqaalaha. Dhammaan shaqaalaha waxay saxiixeen heshiis shaqo, wuxuuna mushaar u billowday isla bishii 1aad ee shaqada, taasoo ah dhaqan aan ka jiri jirin idaacadaha gudaha. Ma jirin qof aan mushaar qaadan oo idaacadda ka shaqeyn jiray, xitaa kuwa tababarka ku jira waxaa la siin jiray lacag ay gaariga ku raacaan. Shaqaalaha Smart Group looma oggoleyn inay qaataan sharuur, taasoo iyadana ahayd siyaasadda shirkadda.

Shaqaalaha waxay iyaga iyo xaasaskooda lahaayeen daryeel caafimaad oo ay tagi karaan markay xanuunsadaan. Arrimahan waxay keeneen in idaacadda ay weli ka shaqeeyaan dadkii lagu furay, marka laga reebo illaa 3 weriye oo iskood uga tagay shaqada muddadaas afarta sano, waana tiro aad u yar marka loo eego saxaafadda gudaha oo uu ku badan yahay gad-gaddoonka shaqaalaha.

Ugu dambeyntii, waxay maamulka Smart Group u mahadcelinayaan dhageystayaashii siiyay kalsoonidooda, shirkadihii iyo bahdi isboortiga ee ay soo wada shaqeeyeen.

- Advertisement -

DHAMMAAD

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON