Doorashadii shalay ka dhacday dalka Uganda oo weli ay socoto tirintii coddaaka ayaa natiijooyinka ugu horeeya ee soo baxay ay sheegayaan in madaxweynaha ruugcadaaga ah ee in ka badan 30 sano soo xukumayay dalkaasi Yoweri Musaveni uu ku horeeyo codadka la tiriyay.
Natiijo hordhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in Musaveni uu heysto codad dhan 62%, halka ninka mucaaradka ugu weyn ee loolanka kula jiray Kizza Besigye uu helay 33% markii la tiriyay codadka la dhiibtay 23%.
Natiijada ugu dambeysa ayaa la filayaa inay soo baxdo Sabtida beri.
Maalintii Khamiistii ee doorashada dhacday ayaa waxaa hareeyay sheegasho ah in ku shubasho iyo dib u dhacyo ay ka dhaceen meelo badan oo codadka laga dhiibtay.
Goobjooge.com