Gabar reer Sweden ah oo asalkeedu kaso jeedo Soomalaiya yaa maxkamad ku taal dalka Austria ku heshay dembi ah inay dooneysay ku biirista kooxda ISIS ee khilaafada islaamiga Ciraaq iyo Suuriya.
Gabadhan oo aan magaceeda la shaacin waa 17 sano jir ku nooleyd Linkpiong, Sweden waxaana laga qabtay magaalada Vienna dalka Austria, kadib markii ay sheegtay inay dooneysay inay labo gabdhood oo kale ay halkaa iska raacaan oo ay u sii gudbaan dalka Siiriya.
Baaritaan ay sameeyeen Booliska Sweden ayaa taleefankeeda gacan qaadka ah laga helay sawiro muujinaya qoor goyn iyo weliba fariimo qoraal ah oo lagu taageerayay weerarkii lagu qaaday magaalada Paris. Gabadhan oo ku dhalatay magaalada Falun, Dalarna sanadkii 1998kii ayaa waxaa ay ku soo kortay magaalada Linkoping waxayna waalidkeed yihiin Soomaali ka qaxday dagaalada sokeeye.
Waalidiinta gabadhan ayaa sheegay inay gabadheeda hore ugaga shakiyeen in la duufsaday waxayna isticmaalaysay dawooyinka walwalka. Kadib markii ay waayeen waalidka gabadhan ayaa waxa ay ku wargeliyeen booliska si loo helo.
Qoyska gabadhan oo la xiriiray Booliska Austria una direy sawiradeeda ayaa suurtogeliyay in lagu qabto gabadhan goob laga raaco tareenada 5tii December 2015. Hase yeeshee gabadhan ayaa u suurtogashay inay gasho dalka Austria iyadoo aan sidan baasaboor.
Qareenkii u doodayay gabadhan Wolfgang Blaschitz ayaa ku dooday inaysan gabadhan wax dambi ah gelin. ‘Ma ihi argagaixso, qalad ayaan sameeyay,’ ayay u sheegtay gabadhan Expressen.
Si kasta ha ahaatee gabadhan ayaa laga cafiyay inay xabsi ku dhamaysato mudada lagu xukumay ee ah balse waxaa dib loogu celiyay dalka Sweden halkaas oo ay dhaqan celin loogu sameynayo. Gabdho aan yareyn oo asalkoodu yahay Soomaali kuna nool dalalka Yurub iyo wadanka Maraykanka ayaa ku biiray ururka Daacish.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com