Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ayaa u codeynaya waqti kordhin loo sameeyo Guddiga xuduudaha oo xilkiisu ku eg yahay bisha Ogost ee sanadkan sida uu dhigayo qodobka 10-aad ee sharciga lagu dhisay guddiga xuduudaha.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud Habdhowraha baarlamaanka ayaa sheegay in meel marinta qodobka tobnaad ay ku timid markii ay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha ay codsadeen in waqti loogu daro, iyadoo qodobkan uu qeyb ka ahaa hindise sharciyeedka Guddigan lagu dhisay.
Guddigan ayaan wax howl ah qaban tan iyo intii la dhisay, iyadoo uu ka mid noqday guddiga fadhiidka ah ee shaqo la’aanta ah sida guddiga kale ee doorashadooyinka oo howlihiisii ay la wareegeen madaxda maamul goboleedyada.
Goobjooge.com