Sunday, June 29, 2025

18 sano oo cadaalad darro ah kadib: Xaashi Cumar Xasan oo xoriyadiisii dib u helay [SAWIRRO]

Maxkamadda qaadeysay dacwaddii loo haystay dhibanne Xaashi Cumar Xasan oo muddo  18 sanno ah ku  jiray xabsi cadaalad darro ah iyo dembi aanu gelin ayaa maanta xoriyadiisa dib u helay.

Xaashi ayaa ku eedeysnaa dilkii  Muqdisho 20-kii Maarso 1994-tii  lagu dilay weriyihii Wakaalada waraka Talyaaniga ee RAI, Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin oo ah suxufyiin Talyaani ah, dembigaas oo maxkamadda ay hadda caddeysay inuusan geysan.

Dib u qaadista Dacwadda Xaashi Cumar Xasan ayaa ka dhalatay wareysi 2002-dii uu qaaday Suxufi Aadan Sabriye oo wareystay ninkii marqaati furka beenta ah sameeyey oo ka sheekeysanayey sidii uu Maxkamadda u khiyaanay & sababihii ku qasbay inuu been intaas la’eg sheego & wareysi kale oo Taleefishinada Talyaaniga ay la yeesheen isla Jeelle, iyagoo tix-raacayey wareysiga hore ee Aadan Sabriye.

Xaashi Cumar ayaa markii lagu dhawaaqay natiijaddii dacwadda wuxuu si qiiro leh ugu mahadceliyey Garyaqaan Xassan Ducaale Kaahiye oo tan & maalintii la xiray Xaashi gacanta ku hayey kiiska & waalidiinta suxufiyiinta Talyaaniga ah, isaga oo kaga mahadceliyey in ugu dambeyn ay garowsadeen in 18 sanno uu ahaa dhibbane xaqdarro ku xiran.

“Maanta 19/10/2016, waxaa maxkamadda Talyaanigu cadeeysay in Dhibane Xaashi Cumar Xassan uuna wax dambi ah ku laheeyn dilkii Ilaria Alpi.iyo in u u xor yahay maanta laga bilaabo. weliba in aanan dacwadaa talyaanigu Appeal ka qaada Karin” PROF. YAXYE CAAMIR

hashi-omarhashi-omar1hashi-omar3hashi-omar4

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON