Sunday, July 13, 2025

Ciidamo dhac u geystay xaruntii Xawaaladda Dahabshiil ee Magaalada Marka

Dabley hubeysan oo ku labisan dareyska ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta ay dhac u geysteen xarunta Xawaaladda Dahabshiil ee magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose iyagoo ka qaatay lacag kumanaan doolar oo aan cadadkeeda la shaacin.

Dableyda  ku lebisnaa dareyska ciidamada ee dhaca ka geystay xawaaladda Dahabshiil ayaa markii hore xarunta ku galay iyagoo iska dhigaya dad lacag loo soo diray, kadibna waxay qoryo ku qabteen shaqaalihii xarunta oo ay ka qaateen wixii lacag ahaa ee ay markaasi hayeen.

Arrintaas kadib ayaa la sheegay in  cabsi weyn soo wajahday ganacstada magaalada iyadoo la xiray xarumihii ganacsiga, maamulka degmada Marka ayaan waxba ka qaban arrintan, waxayna dableyda oo lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin ciidamada maleeshiyada ee degmada ku sugan ay la baxsadeen lacagtii Dahabshiil.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON