Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiye Jawaari oo soo xiray shirkii Baarlamaanada Maamul Goboleedyada Soomaaliya [SAWIRRO]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Muqdsho kusoo xeray shir uga socday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho -Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya intii u dhaxeysay 17-20 February 2016.

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay furitaanka Munaasabadda shirka lagu soo xeray ayaa tilmaamay in qorshaha ay golayaasha sharci dejinta isla ogolaadeen ay ka mid tahay in marka guddiga Baarlamaanka Federaalka u xil saaran arrimaha Dastuurka marka ay baxayaan oo Dastuurka ay geynayaan Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada ay raacaan sidoo kale dhammaan Xildhibaannada deegaan doorashadooda loo socdo ee heer federaal waxaana uu dhanka ballan qaaday in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka uu wada shaqeyn joogto ah la yeelan doono goleyaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqadir Shariif Sheekhunaa oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu muhiimad u siinayo wadatashiga golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada waxaana ay si wadajir ah u sheegeen iney raacsan yihiin heshiis is afgarad la xiriira mabaadii’da hagaya iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa golayaasha sharci dejinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirkii ugu horeeyey ee Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya uu ku dhammaaday guul waxaana uu sheegay in uu rajeynayo in Baarlamaannada oo wadajira ay wada saxiixdaan heshiis is afgarad ah.

DAAWO SAWIRRO

IMG_1993IMG_2007IMG_2013IMG_2022IMG_2023IMG_2030IMG_2031IMG_2049

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON