Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO AXMED CALI GEES: “Alshabab waan ka baxay, awalba afka ayaan ka taageeri jiray…”

Sheekh Axmed Cali Gees oo ahaa oday ka tirsan Ururka Al Shabaab, isla markaana gaalnimo ku xukumay Saxafiyiinta Muqdisho ayaa  sheegay inuu mar hor isaga baxay Al-Shabaab oo naftiisa ay dhibaato u geysteen.

Sheekh Axmed Cali Gees oo  hadalkiisa uu kasoo muuqaday Barnaajimkii dilaaga weriyaha isagoo u hanjabaya saxafiyiinta ayaa hadda ku nool magaalada Cadaado, wuxuuna sheegay in 2012-kii ka baxay Alshabaab.

“Anigu waxaan ahaa macduur, afka ayaan ku difaaci jiray, waxaan rabaa inaan maanta ummada Somaliyeed u cadeeyo inaan ka baxay Al Shabaab, 2012-kii” ayuu yiri Sheekh Axmed Cali Gees oo sharxay sababta uu ugu baxay ururkaasi.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada nabadsugidda ay qabteen Sheekhan oo xiligii ay Alshabaab xoogga ku lahayd Muqdisho ka mid ahaa qabqable weyn oo Alshabaab ah.

DHAGEYSO CODKA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON